🐍
← Back to Blog

Python Cashar 12 — Loop-yada: for iyo while

Loop waxay kuu oggolaan in hawl la ku celiyo iyada oo aan koodh la nuqul garayn. Waxaa jira laba nooc: for (marka la yaqaan tirada ama liiska) iyo while (marka la ogayn intay le’eg tahay).

for loop

for xayawaan in ['libaax', 'shabeel', 'geel']:
    print(xayawaan, xayawaan.upper())

for i in range(1, 6):
    print(i, i ** 2)
libaax LIBAAX
shabeel SHABEEL
geel GEEL
1 1
2 4
3 9
4 16
5 25

while loop

while wuu sii socdaa ilaa shuruudu noqoto been. Tusaale: intee sano ayuu qaadanayaa lacagta 100 dollar si ay u noqoto 200 haddii korodhku yahay 7% sannad kasta?

lacag = 100
sano = 0
while lacag < 200:
    lacag = lacag * 1.07
    sano += 1
print(f'{sano} sano, lacagtu waa {lacag:.2f}')
11 sano, lacagtu waa 210.49

break iyo continue

break wuxuu si degdeg ah u joojiyaa loop-ka, continue wuxuu boodaa marka hadda socota oo wuxuu u gudbaa kan xiga.

for n in range(1, 11):
    if n % 2 == 0:
        continue       # boodi lammaanaha
    if n > 7:
        break          # jooji
    print(n)
1
3
5
7

enumerate iyo zip

magacyo = ['Axmed', 'Cali', 'Faadumo']
marka = [88, 72, 95]
for i, m in enumerate(magacyo, start=1):
    print(i, m)
for m, k in zip(magacyo, marka):
    print(m, k)
1 Axmed
2 Cali
3 Faadumo
Axmed 88
Cali 72
Faadumo 95

Loop gudaha loop

for i in range(1, 4):
    for j in range(1, 4):
        print(i * j, end='\t')
    print()
1    2    3    
2    4    6    
3    6    9    

Khatar: loop aan dhammaanayn

Haddii shuruudda while aysan weligeed noqon been, barnaamijku wuu sii socon doonaa weligiis. Hubi in doorsoomaha shuruudda uu isbeddelayo gudaha loop-ka.

Layli

  • Daabac wadarta tirooyinka 1 ilaa 100 adigoo isticmaalaya loop.
  • Daabac tirooyinka 3-ga la qaybsan karo ee 1 ilaa 30.
wadar = 0
for n in range(1, 101):
    wadar += n
print(wadar)
print([n for n in range(1, 31) if n % 3 == 0])
5050
[3, 6, 9, 12, 15, 18, 21, 24, 27, 30]
Soo koobid: for marka la yaqaan tirada, while marka aan la ogayn. break iyo continue waxay xakameeyaan socodka.
Koorsada Python (20 cashar):
← Python Cashar 11 — Go’aan qaadashada: if, elif, else
Python Cashar 13 — Khaladaadka (Exceptions) →

Maqaallo Kale