Python waa luqad barnaamij oo si weyn loo isticmaalo maanta. Waxaa lagu dhisaa websaydhyo, barnaamijyada AI, falanqaynta xogta, sayniska, iyo shaqooyin badan oo si toos ah (automation) loo sameeyo. Sababta ay caan u tahay waa qoraalkeeda oo aad u fudud, oo ku dhow Ingiriisiga caadiga ah.
Sababta loo dooranayo Python
- Waa fudud: koodhka waa la akhriyi karaa, waxaana lagu qoraa xariijimo yar.
- Bulsho weyn: su’aal kasta oo aad qabto, qof horey ayaa ka jawaabay.
- Maktabado badan: NumPy, Pandas, Matplotlib iyo kuwo kale ayaa shaqada culus kuu fududeeya.
- Waa bilaash: ma ay baahna lacag ama shati.
Sida looga bilaabo
Waxaad ku bilaabi kartaa laba siyaabood. Kan koowaad: ka soo dejiso Python website-ka rasmiga ah (python.org) oo ku rakib kombiyuutarkaaga. Kan labaad, oo ugu fudud: isticmaal Google Colab, kaas oo ku shaqeeya browser-ka telefoonkaaga ama kombiyuutarkaaga, oo aan waxba rakibid u baahnayn.
Si aad u hubiso in Python la rakibay, terminal-ka ku qor python --version. Waa inuu kuu sheegaa nooca, tusaale Python 3.12.
Barnaamijkaagii ugu horreeyay
Barnaamij kasta oo ay dadku bartaan waxay ku bilaabmaan salaan. print() waa shaqo (function) ka soo saarta qoraal shaashadda.
print('Salaan, Adduunyo!')
print('Waxaan baranayaa Python')
Salaan, Adduunyo! Waxaan baranayaa Python
Python waa luqad la turjumo (interpreted). Taas macnaheedu waa inuu koodhka ku akhriyo sadar-sadar, kaas oo kuu fududeeya inaad si degdeg ah u tijaabiso fikrado yaryar. Faylasha Python waxay ku dhammaadaan .py, tusaale salaan.py.
Layli
- Qor barnaamij daabaca magacaaga iyo magaalada aad ku nooshahay, mid kastaba sadar u gaar ah.
- Isku day inaad ka tagto qawsaha
)eeprint, oo fiiri farriinta khaladka ah ee soo baxda.
print('Magacaygu waa Axmed')
print('Waxaan ku nool ahay Hargeysa')
Python Cashar 2 — Python oo ah xisaab-qalab →